U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS iyo guddoomiyaha midnimada qaranka Imaaraadku ?

Sheeko:Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraatka Carabta, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash iyo xubno ka tirsan Golahaas.

Labada Guddoomiye ayaa si qota dheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, iskaashiga labada Dowladood shucuubtooda iyo sii adkaynta xiriirkaas, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka iyo wadatashiga labada dhinac ee ku aadan arrimaha dan-wadaagga labada dowladood, si looga gun-gaaro kaalinta wax ku ool ah ee diblomaasiyadda baarlamaanka, inta lagu guda jiro hoggaaminta iyo ka qayb galka hawlaha Baarlamaanka gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale labada guddoomiye ayaa xoojiyey muhiimadda xiiriirka, iskaashiga iyo aqoon iswaydaarsiga labada gole, iyadoo arrimahaas loo xilsaaray Guddiyada Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan, islamarkaana ay yeeshaan kulamo dhaxdooda ah oo lagu soo diyaarinayo qorshayaasha dhinacyada muhiimka ah ee ay labada Gole iska kaashan doonaan.