U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho ugu tagay dalka Imaaraadka

Sheeko:Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Abuu dubay kulan miro-dhal ah kula soo qaatay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta.

Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Abuu dubay, waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga, qibrad wadaagga, tababarrada iyo is dhaafsiga waayo aragnimada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha oo socdaalkiisa ku soo maray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa booqasho u kuurgal ah waxa uu ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo danjiraha safaaradda iyo howlwadeennada kula dardaarmay in ay si dhow oo waxtar leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.