U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho soo gaaray

Sheeko:War

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona shirka madasha wadatashiga oo dhawaan ka furmi doona Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu Gudoomin doonna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale looga hadli doonnaa sidii loo adkeyn lahaa amniga deegaanadii laga xoreeyay Shabaab iyo sii amba qaadida howlgalka.