U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta ciidanka dhulka xoogga dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u dayactir ballaaran lagu sameeyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeyo Guuto. Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay xaruntaan oo si casri ah loo dayactiray.

Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha, isagoo ka xog wareystay injineerada gacanta ku haya dhismahaan kaas haatan maraya heer gabogabo ah.