U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysay inay colaad ka hurinaysa gudaha dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay hubka sharci darro ah ku soo daabulayso gudaha dalka, islamarkaana ayadoo la dagaallanka Alshabaab ku marmarsiyoonaysa ay doonayso inay qeyb kamida dhulka Soomaaliya goosato.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku eedeeyey Itoobiya in joogisteeda Soomaaliya aysan la xiriirin la dagaalanka argagixisada, balse ay tahay mid ay ‘ku qabsanayso’ dhul Soomaaliya ay leedahay.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay ay diiwaangelisay 4 shixnadood oo hub ay Itoobiya dalka soo gelisay ah, kaas oo ay doonaysay inay gacanta u galiso kooxo maleeshiyaad ah, asagoo intaa ku daray in maamulka Abii Axmed uu dalalka deriska ah u colaadinayo si uu u qariyo guuldarrada gudaha dalkiisa ka haysata.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa xoojinaya dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan inaysan ciidamada Itoobiya qeyb ka noqan karin howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS oo gabangabada sanadkan dalka ka baxaysa.