U bood dhigaalka

Ganacsade lagu dilay Muqdisho

Sheeko:War

Ganacsade si weyn looga yaqaanay Xaafadda Suuqa ee Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay halkaasi sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelkiisa.

Ganacsadahaan oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daahir Diirshe.

Kooxo hubeysan ayaa toogtay ganacsadaha xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi ka dibna waxa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Sida Ehelkiisa ay noo xaqiijiyeen wuxuu wajahayay maalmihii lasoo dhaafay Hanjabaado uga imaanayay kooxda Shabaab ka dib markii uu goobtiisa ganacsi ku xiray Kaamirooyinka Amniga.

Ciidanka booliiska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.