U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in dalka la keeno bacaha halka mar la isticmaalo

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, taasi oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ay horay go’aan uga soo saartay.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu wargeliyay maareeyaha dekedda muqdisho, shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan cadde, iyo maamulka furdada inaan dalka la soo gelin karin bacaha halka mar la isticmaalo ee loo yaqaanno “bac qafiifta”.


Bacahan oo  bedqabka deegaanka iyo noolahaba halis ku ah, islamarkaana waxyeello baaxad leh u geysta ayaa horay looga mamnuucay qaar kamida deegaannada Soomaalida.