Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xegeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiis ka gaaray khilaafkii maalmahan ka dhex aloosnaa.
War qoraal ah oo uu soo saaray Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu u tanaasulay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ka dib talo-bixin uga yimid dhinacyo dhexdhaxaadiyaal ah, islamarkaana mudane Saalax Axmed Jaamac uu sii wadan doono shaqadiisa Senator-nimo.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa war qoraal ah oo uu arrintan uga hadlay ku sheegay in khilaafkii asaga iyo guddoomiye cabdi Xaashi u dhexeeya la soo afjaray, wuxuuna u mahadceliyay masuuliyiintii dhexdhaxaadiyay labada dhinac.




From the comments