U bood dhigaalka

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Sheeko:War

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka qarxay deegaanada Faryar iyo Laasbuur oo u dheexaya Gaalkacyo iyo Cadaado.

Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, dagaalkan wuxuu salka ku hayay muran dhul oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado.

Dagaalka ayaa sababay khasaaro nafeed, iyadoo la soo sheegay dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo tirada saxda ah ee khasaaraha aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in xiisadda ka dhalatay muranka dhulka ay mudooyinkii dambe sii kordhaysay, taasoo ugu dambeyntii sababtay in labada beel hubka isu qaadaan.

Maamulka Galmudug ayaa durba bilaabay dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in colaadda la joojiyo iyo in xal waara laga gaaro muranka dhulka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda, si looga hortago dhiig kale oo daata. Waxay sidoo kale isku dayayaan inay dhex-dhexaadiyaan beelaha diriraya si loo helo heshiis buuxa oo nabadeed.

Colaadaha ku saleysan muranka dhulka ayaa ah caqabad soo noqnoqota oo saameyn weyn ku leh gobolka Galgaduud, iyadoo dadaallada nabadda mararka qaar waqti badan qaataan in xal rasmi ah lagu gaaro.