U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen Taliyaha ciidanka booliska iyo madaxa howlgallada midowga yurub ee Soomaaliya ?

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa howgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya  Kestitis Lancinskas.

Labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ka hortagga qataraha argagixisada iyo kordhinta taageerada midowga Yurub ee Ciidanka Booliiska.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya saameyn weyn ku leh, asagoo ka taageera dhinacyada nabad-gelyada, dowlad-dhiska hormarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.