U bood dhigaalka

Saddex qof oo Soomaali ah oo jirdil loo geystay ugu geeriyooday Liibiya

Sheeko:War

Tariq Lamloum oo xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku dhawaaqay geerida saddex qof oo Soomaaliyeed intii lagu guda jiray billihii Sebtembar iyo Oktoobar, kuwaas oo lagu dhex dilay bakhaarro iyo guryo ay ku haystaan Kooxda Magafayaasha ee Liibiya.

Lamloum ayaa warqad uu u diray wargeyska Asharq Al-Awsat ku sheegay in qoysaska dhibbanayaasha saddexdaas qof ay soo wacaan “kooxo afduubayaal ah oo gudaha magaalada Bani Walid ku sugan,” kuwaas oo qoysaskaas u soo diray muuqaallo muujinaya jirdil.

Wuxuu sheegay in markii uu sameeyay baaritaano uu soo ogaaday Saddex qof oo ka mid ah dadkaasi ay u dhinteen Jirdilkii loo geystay kuwaasoo ahaa wiilal dhalinyaro ah.

“Waa muuqataa in muhaajiriinta lagu hayo guryo gaar ah,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in “tan iyo 2019-kii ay sii kordheen xarigga muhaajiriinta lagu hayo guryaha magaalooyinka, kaddib markii amniga la adkeeyey, taasoo xaddiday dhaqdhaqaaqa kooxaha ka ganacsada dadka ee saxaraha; qaar ka mid ah hay’adaha ammaankana ay burburiyeen bakhaaradooda ku yaallay Kufra, Shuwayrif, iyo Tobruk.”

Lamloum wuxuu ku baaqay in mas’uuliyiinta maxalliga ah iyo waxgaradka magaalooyinkaasi ay dadaalkooda kordhiyaan si loo raadiyo dadka la afduubtay, gudaha iyo dibadda magaalooyinka, isagoo xusay: “Gobol kasta wuxuu si fiican u yaqaan dadka ku lugta leh kooxahan iyo ka ganacsiga dadka.”

Sida uu sheegay Antonio Vitorino, madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), tirada muhaajiriinta lagu hayo xarumaha rasmiga ah ee lagu xiro muhaajiriinta ee Libya waxay gaartay 5,000 oo qof. Laakiin waxaa kasii badan inta Guryaha lagu heysto.