U bood dhigaalka

Mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan gobanimada iyo doorka Itoobiya ee Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika

Sheeko:War

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.

“Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS.

“Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay.

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka waa inuu waafaqsanyahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda.

Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna ku jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.

“Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Khawaarijta, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya”.

Waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.