U bood dhigaalka

Xildhibaannada heer Federaal SCC Khaatumo oo diiday Shir uu ugu baaqay maamulka Puntland

Sheeko:War

Xildhibaan Cabdi Warsame Qawdhan, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan shirka ay Puntland ku baaqday in lagu qabto magaalada Garoowe, isaga oo diiday in uu ka qayb galo.

Qoraalka uu soo saaray wuxuu ku sheegay in go’aanka uu qaatay yahay mid ku saleysan tixgelinta rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo oo ay 6-da Febraayo 2023 ku dhawaaqeen in ay noqdaan maamul madax-bannaan oo si toos ah uga tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in uu aqbalay go’aankaas isla maalintaas la gaadhay. waxa uu cadeeyay in go’aankiisa uu yahay mid u taagan ilaalinta iyo metelaadda danaha shacabka SSC-Khaatumo ee Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay in go’aankaas darteed uusan uga qaybgelin shirka ay Puntland ugu baaqday in Garoowe lagu qabto.

Sidoo kale Inta badan Xildhibaanada kasoo jeedda SCC Khaatumo ayaan ka qeyb gali doonin Shirka. Waxa ay sheegeen in ay leeyihiin maamul gooni ah.