U bood dhigaalka

Saxafi Soomaaliyeed oo ku guulaystay Abaalmarinta Wariyaha ugu wanaagsan Dalalka IGAD

Sheeko:War

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, madax ka socotay dalka Kenya iyo qaar ka tirsan dalalka ku bahoobay Urur Goleedka IGAD ayaa ka qeyb-galay xaflada abaalminta warbaahinta ee sanadka 2024, taas oo ay soo qabanqaabisay Urur Goboleedka IGAD.

In ka badan 4,000 oo wariyayaal ama shaqsiyaad kamida kuwa la shaqeeya hay’adaha warbaahinta  ayaa ku tartamay inay ku guulaystaan abaalmaringa warbaahinta la siinayo.

Dadkii ku guuleystay abaalmarinta ee aqoonsiga la siiyay waxaa kamid ahaa wariyayaal ka tirsan bahda Saxaafadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha KMG ee Golaha Warbaahinta Moxamed Shiil Xasan oo muddo fog ka soo shaqeynayay warbaahinta Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday in la gudoonsiiyo bilad iyo abaalmarinta loo yaqaano “Abaalmarinta  iyo Aqoonsiga  soo-jireenka ah”  ama luuqada Ingriiska lagu yiraahdo “Lifetime Achievement Award”.

Wariye Shiil oo noqday wariyaha ku guuleystay abaalmarinta ugu qiimaha badnayd ee la bixiyay ayaa ku tilmaamay guushaas mid wayn oo ka turjumayso awoodda warbaahinta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa isna bilad iyo abaalmarin la siiyay wariye Cabdirashid Nuur Ibrahiim muddo fog ka tirsanaa warbaahinta Qaranka, kaas oo ku guuleystay tabinta warar sameeyn yeeshay kaas oo lagu tabiyay luuqada Soomaaliga.

Danjire Jibriil oo la hadlay Soomaalidii ka soo qaybgashay xaflada iyo kuwii ku guuleystay biladaha iyo abaalmarinta ayaa ku booriyay in ay dardar galiyaan doorka warbaahinta ee Nabada iyo isku soo dhaweeynta ummada Soomaaliyeed.