U bood dhigaalka

Wafdi sare oo ka socda dalka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Sheeko:War

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Wafdigan ayaa ujeeddadoodu la xiriirtaa arrimo ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya, iyada oo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga.

Soo dhaweynta wafdiga waxaa hormuud u ahaa masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa hoggaaminayay dhinaca Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale wafdiga kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowlad federaalka ah.

Ujeedka booqashada wafdigan Turkiga ayaa ah inay taageeraan qorshaha lagu bilaabayo sahminta shidaalka Soomaaliya, taas oo muhiimad weyn u leh kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Markab Turkiga laga leeyahay ayaa dhawaan la filayaa inuu yimaado Soomaaliya si uu u fuliyo hawlaha sahminta shidaalka, taas oo qeyb ka ah iskaashiga labada dal ee ku qotoma horumarinta tamarta iyo difaaca.

Iskaashigan Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah xiriirka sii xoogaysanaya ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo gaashaandhigga. Dowladda Soomaaliya ayaa rajaynaysa in sahminta shidaalku horseeddo horumar dhaqaale iyo maalgashi shisheeye oo dalka soo gala, iyada oo la kordhinayo fursadaha shaqo ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.