Xogo cusub oo ka soo kordhay dilkii gabdhaha Soomaaliyeed ee Kenya.
Dembi-baarayaasha dalka Kenya ee daba-galka ku haya dilalkii foosha xumaa ee loo geystay labo haween iyo gabar yar oo Soomaali, oo dhowaan Islii ka dhacay ayaa soo saaray xogaha afar qof ah oo eedeysanayaal ah.
Dadkan waxaa kamid ah nin hadda ku jira gacanta booliiska, kaas oo gacan-saar la leh tuhmanaha koowaad, dhanka kale, booliisku waxay dib u booqdeen dhowr goobood oo fal-dembiyeedyo ka dhaceen, iyagoo ku guda jira howlo xaqiiqo raadin, waxayna soo bandhigeen muuqaal ay ka duubtay CCTV kaalin shidaal oo ku taal wadada Mombasa.
Muuqaalka ayaa laga soo qabtay qof la tuhunsan yahay oo shidaal ku sii shubaya gaari la rumeysan yahay in lagu daabulay meydadka, kaasi oo la soo qabtay, Baaritaano la sameeyay ayaana muujinaya in Eedeysanaha uu Shidaal ku shubtay Gaariga ka dib markii uu soo tuuray Meyd ka tirsan Gobalka Machakos.
Dadka su’aalaha la weeydiiyay waxaa ka mid ah nin gacan ku dhiigle ah oo la xiriiray eedeysanaha ugu weyn habeenkii uu dilka dhacay, Labada nin ayaa la sheegay inay guri kiro ah oo ku yaal xaafadda Islii wada deganaayeen.
Shaqsi kale oo xog bixiyay waa mulkiilaha guriga, kaas oo la sheegay inuu guriga ka kireeyay tuhmanaha isagoon haysan warqado rasmi ah, intaasna waxaa dheer, booliisku waxay xireen laba qof oo ka tirsan CBD-da Nairobi oo ka iibiyay tuhmanaha taleefoon gacanta oo qiimahiisu yahay Ksh.23,000 oo lacagta Kenya ah.
Booliska ayaa sidoo kale soo saaray muuqaalka CCTV-ga laga soo duubay dhismo ku yaalla xaafadda Islii, kaasoo muujinaya Warris Saciid Daa’uud oo uu la socday eedeysanaha habeenkii uu dilku dhacay.
Dambi baarayaashu waxay markaan howlgalkooda diiradda ku saarayaan aagga loo yaqaanno Bahati ee Buruburu, halkaas oo ay ka soo ururiyeen cadaymo dheeraad ah.
Dhinaca kale, qof si weyn ugu shabbahay eedaysanaha ugu weyn ayaa lagu qabtay magaalada Dhoobley ee gudaha Soomaaliya, balse su’aalo iyo hubin xooggan ka dib waa la sii daayay.
Dhanka kale waxaa Masjidka Al Nuur ee Koonfurta C loogu duceeyay 3-dii qof ee lagu dilay dilka arxan darada ah, waxaa shalay aas ballaaran loogu sameeyay qabuuraha Lang’ata.