Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Iskaashiga labada dal
Sheeko:War
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi.
Labada wasiir ayaa dib u eegay xiriirka ka dhexeeya dalalkooda waxayna ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga.
Sidoo kale, waxay isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo arrimaha caalamiga ah.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Danjire Dr. Sacuud Al-Sati.
Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa doonaya in ay xoojiyaan xiriirkooda dalalka bariga dhexe ay ku sugan yihiin xaalad adag.