Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler waxay ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.
Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood, iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda.
Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska Ciidankeeda, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.




From the comments