U bood dhigaalka

Wasiirka cusub ee wasaaradda howaha guud oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo qorshaha isbadelka qaranka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka ee 2025-2029.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo hawlwadeennada Wasaaradda ee ku sugan xurunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka ee 2025-2029.

Wasiir Cilmi ayaa bogaadiyey shaqada ay hayaan kooxda ka socota Wasaaradda, Waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan inta ka harta shaqada ay u hayaan qaranka.

Dhanka Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa booqday Wasaaradaha kala duwan ee qeybta ka ah diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaranka.