Wasiiru dawle ka tirsan Xukuumadda DanQaran oo iscasilay
Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Qorsheynta, C/rashiid Jire, oo ka soo jeeda Jubbaland, ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay istiqaaladiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isaga oo iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda.
C/rashiid Jire waxa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada, waxaana uu horey uga mid noqday shaqsiyaadka Jubbaland ugu soo biiray xukuumadda si ay u matalaan deegaannadaas.
Dhowr Wasaaradood ayuu soo qabtay Wasaaraddaha Jubbaland ka hor inta uusan usoo dalacin heer federaal.
C/rashiid Jire ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana uu door weyn ku lahaa matalaadda siyaasadda Jubbaland ee heer federaal.
Xiriirkiisa gaarka ah iyo wada shaqeynta dhow ee uu la leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo waramaya in ay sabab u tahay iscasilaaddiisa.
Waxaa uu sidoo kale jiray in khilaaf oo ka dhex jiray Wasiiru Dowlaha iyo Wasiirka Wasaaradda.
Ninkaan ayaa ka mid ahaa Xubnihii ugu horreeyay ka mid noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.