Dowladda Soomaaliya ayaa midowga yurub kala wareegtay gaadiid iyo saanad ciidan oo muhiim ah, waxaana munaasabadda wareejinta gaadiidka, saanad ciidan, iyo agab caafimaad oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Jeneraal Dhega-badan ka qeyb-galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga DFS, Ku Xigeenka Agaasimaha Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika, Ergayga Midowga Yurub ugu qaabilsan Soomaaliya, saraakiil ka socotay xafiiska UNOPS iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaabdhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo Midowga Yurub kala wareegay ayaa ka hadlay taageerada midowga Yurub isagoo faahfaahiyay gaadiidka uu la wareegay,
Shirjiraa’id oo ay labada mas’uul si wadajir ah u wada qabteen ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Mathieu Briens, Agaasime ku Xigeenka Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika Mathieu Breins ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta la joogo wasiiru dowlaha difaaca Soomaaliya iyo dhammaan bahda Midowga Yurub si ay ugu wareejiyaan gaadiid iyo agab militari oo muhiim u ah Soomaaliya, qalabkan oo ay u soo iibisay Midowga Yurub Dowladda Federaalka Soomaaliya.




From the comments