Jubbaland oo amar kusoo rogtay musharixiinta ku sugan Kismaayo
Jubbaland ayaa soo saartay amar cusub oo ku wajahan musharixiinta siyaasadeed ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaa la faray inay kaashadaan hay’adaha rasmiga ah ee amniga si loo sugo badqabka doorashada.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida magaalada, hase yeeshee, waxaa loo arkaa inay tahay culeys siyaasadeed oo uu Madaxweynaha Jubbaland uu saaray musharixiinta la tartamaya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore loogu eedeeyay inuu ku shubto doorashooyinka, iyadoo hadalkaan cusub ee kasoo baxay maamulka Jubbaland uu yimid xilli magaalada lagu xiray dad la shaqeynayay musharixiinta mucaaradka ah, oo ay ku jiraan saxafiyiin.
Tallaabooyinkan ayaa loo fasiray inay yihiin isku day lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa musharixiinta, iyada oo warbaahinta madax-bannaan laga horjoogsanayo inay tabiso xaaladda ka jirta magaalada.
Sidoo kale, waxaa si adag loo amray dhammaan ciidanka ka howlgalaya magaalada Kismaayo inaanay la xiriirin musharixiinta iyaga oo aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha amniga, taas oo ujeedkeedu yahay in laga hortago isku dhac iyo xaalado sababi kara amni-darro.
Waxaa digniin culus loo jeediyay kooxaha ciidan ee ku salaysan habka qabiilka ama kooxaysiga, iyadoo la caddeeyay in aysan jirin baahi keenaysa in ciidan qabiilaysan lagu ururiyo magaalada, maadaama Kismaayo la sheegay inay tahay meel nabdoon oo lagu kalsoonaan karo.
Dad badan ayaa aaminsan in amarkan cusub uu sii xoojinayo cabashada ay qabaan musharixiinta kasoo horjeeda Madaxweynaha, kuwaas oo ku eedeeyay in maamulka uu adeegsanayo awood ciidan si uu ugu xajisto talada, iyada oo laga hortagayo cid kasta oo isku dayeysa inay ka hortimaado ama saameyn ku yeelato natiijada doorashada.