Doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024 ayaa weli socota, iyadoo tirinta codadka ay gaabis ku socoto, gaar ahaan gobollada loolanka adag ee loo yaqaan “Swing States.”
Donald Trump ayaa hadda haysta 230 cod oo ergada doorashada ah, halka Kamala Harris ay leedahay 210. Si loo xaqiijiyo guusha, musharax walba wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 270 cod oo ergada doorashada ah.
Waxaa jira gobollo badan oo aan weli go’aankooda la gaarin kuwaas oo noqon kara kuwa go’aanka kama dambeysta ah ka gaara natiijada doorashada.




From the comments