Waxaa la soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah oo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Elmi Mahamoud Nur, uu la yeeshay madaxda qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah.
Wasiirka ayaa ka qeyb galay Shirka Magaalaynta Adduunka ee ka socda Qahira, Masar.
Kulamadaasi oo gaar-gaar ah ayaa wuxuu Wasiir Elmi ku kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), gaar ahaan Qaybta Xalka Waara, Madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka, iyo Wasiirka Wasaaradda Guriyeynta & Horumarinta Dhulka ee dalka Morocco.




From the comments