Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senatka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalka Odayaasha, kaddib marki ay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga.
Aqalka Senatka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48.
Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kaddib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed.




From the comments