U bood dhigaalka

DFS oo ugu baaqday beesha Caalamka in ay taageerto doorashooyinka qof iyo Cod ee Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa war ka soo saartay doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacaan gobollada waqooyiga ee Soomaaliya (Soomaaliland), iyada oo muujisay sida ay uga goโ€™an tahay taageeridda hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhacaya dalka oo dhan.

DFS ayaa si gaar ah u xustay in hirgelinta habka codbixinta hal-qof, hal-cod ay horay uga hirgashay deegaanada Puntland, taas oo muujinaysa kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorashooyin ay iyagu wakiillo ku leeyihiin.

DFS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) uu ku heshiiyey hannaanka cusub ee doorashooyinka oo lagu ansixiyey Golaha Wasiirrada bishii Agoosto ee sanadkan.

Shuruucdan ayaa waxaa ka mid ah Xeerka Aasaasidda Guddiga Doorashooyinka, Xeerka Xisbiyada Siyaasadda, iyo Xeerka Doorashooyinka.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Federaalka ayaa dhanka kale magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 15 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray dib-u-eegis ku sameynta shuruucdan muhiimka ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga goโ€™an tahay hannaanka doorasho ee hufan, mid loo dhan yahay, iyo mid kalsooni leh, kaasoo runtii ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay taageeraan horumaradan iyagoo ilaalinaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya, isla markaana sharfaya madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, sida ku cad sharciga caalamiga ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageeraan hannaankan dimoqraadiyadda iyagoo ilaalinaya madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.