U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay xildhibaanadii dhowaan tagey Kismaayo

Sheeko:War

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada maamulkaas kulan soo dhowayn iyo sharaf ah ugu sameeyay qeybtii ugu horeysay ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland.

Xildhibaanadan ayaa dhowaan gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland, ka dib markii uu u yeeray hoggaamiyaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (madoobe”, asagoo ku casuumay shir wada-tashi guud ah.

Shirkan ayay Jubland ku sheegtay mid looga arrinsanayo xaaladda Siyaasadeed ee dalka, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulkaas ay ka dhex aloosantahay xiisad salka ku haysa arrimaha doorashada.