Ra’iisul wasaare ku xegeenka XFS oo ka qeyb-galay shirka isbadelka cimilada ee COP29
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jamac, ayaa ka qayb-galay Shirka Madaxda Adduunka ee Isbedelka Cimilada, kaas oo qayb ka ah shirweynaha COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan.
Kulanka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Ciraaq, Mudane Dr. Abdul Latif Rashid, iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Burundi, Mudane Prosper Bazombanza.
Shirka ayaa waxa diiradda lagu saaray oo si wadajir ahna looga dooday xoojinta maaliyadda cimilada (#ClimateFinance) si loo dardargeliyo nidaamka wax-soo-saarka gaar ahaan dalalka nugul ee ay saameeyeen colaadaha iyo xaaladaha nugul ee cimilada.
Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Sanduuqa Caalamiga ah ee Maaliyadda Cimilada (GCF) iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), isaga oo xoogga lagu saarayo sidii loo heli lahaa maalgelin iyo taageero lagu horumarinayo nidaamyada cuntada iyo beeraha ee adkeysiga leh, kuwaas oo muhiim u ah dalalka ay dhibaatooyinka cimilada iyo colaadaha ku habsadeen.
Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa si qota-dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo dalalka sida gaarka ah ugu nugul cimilada isbedelaysa, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay la tacaaleyso saameynta daran ee cimilada, kuwaas oo ay kamid yihiin abaaraha iyo daadadka soo noqnoqda.