Jubbaland oo qabanaysa doorasho deg deg ah iyo Su’aalo ka taagan Hufnaanta Doorashada
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland (GMXD) ayaa shaaciyey jadwalka doorashada Jubbaland, iyagoo ku dhawaaqay tillaabooyinka muhiimka ah ee doorashada sida soo xulista xubnaha Golaha Wakiillada, qabashada araajida murashixiinta, iyo doorashada madaxweynaha.
Doorashada madaxweynaha ayaa dhici doonta 25 bishaan.
Hase yeeshee, shacabka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa weli ka walaacsan hufnaanta hanaanka doorashada.
Waxaa jira eedo soo noqnoqday oo la xiriira awood-sheegashada maamulka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo lagu eedeeyay inuu ku shubtay doorashooyinka hore mideena aysan jiri doonin wax tartan ah.
Siyaasiyiin iyo ururrada bulshada rayidka ah waxay walaac ka muujiyeen in hanaanka doorashada ee soo socda uu noqdo mid aan u adeegayn rabitaanka shacabka, iyagoo sheegay in Axmed Madoobe uu marar badan adeegsaday xubno uu isaga wato oo laga soo xulay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha Golaha Wakiillada.
Dad badan ayaa aaminsan in doorashadan aysan ka duwanayn kuwii hore, iyadoo loo badinayo in Axmed Madoobe mar kale ku soo baxo madaxweynaha Jubbaland.
Waxaa la filayaa in arrintan ay abuurto dood xooggan iyo baaqyo ku aaddan in la xaqiijiyo hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah si looga fogaado eedaymaha musuqmaasuq iyo ku shubasho.