U bood dhigaalka

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu saaka halkaas ku geeriyooday alle ha u naxariistee Yuusuf Xasan Ibraahim(Yuusuf Dheeg) oo soo noqday wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya.

Danjire Yuusuf oo ahaa khabiir ciidan iyo diblomaasi sare ayaa wasiirka arrimaha Soomaaliya noqday xilligii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Faahfaahin dhammaystiran lagama hayo geerida Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim, balse warar lagu kalsoonaan karo oo ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa xaqiijinaya dhimashadiisa.