Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dhawaaqay go’aamo muhiim ah oo ku saleysan xaaladda Somaliland.
Waxa uu si cad u sheegay in aysan jiri doonin wax dabaaldeg ah oo la xidhiidha guushiisa si loo tixgeliyo xaaladda adag ee ka taagan gudaha Somaliland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada inay ka shaqeeyaan sugidda amniga .
Madaxweyne Cirro wuxuu ku baaqay in la xasuusto oo loo duceeyo madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo, oo dhawaan geeriyooday, isaga oo ka hadlay doorkiisii weynaa ee horumarinta Somaliland.




From the comments