U bood dhigaalka

Puntland oo Mamnuucday Adeegyada Shirkadda IxBet iyo Lambarrada Gaarka ah

Sheeko:War

Maamulka Puntland ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu mamnuucayo adeegyada shirkadda khamaarka ee IxBet, iyo isticmaalka lambarrada gaarka ah (Private Numbers) ee shirkadaha isgaarsiinta.

Go’aankan ayaa lagu caddeeyay in uu yahay mid lagu ilaalinayo anshaxa bulshada, amniga, iyo nidaamka wanaagsan ee adeegyada isgaarsiinta.

Qodobada Wareegtada

1️⃣ Mamnuucida Shirkadda IxBet:
Dowladda Puntland waxay ku dhawaaqday in dhammaan adeegyada shirkadda IxBet laga mamnuucay guud ahaan deegaanada Puntland.

Shirkadda ayaa lagu eedeeyay in ay dhiirigeliso sharadka iyo khamaarka, kuwaas oo ka hor imaanaya diinta iyo dhaqanka bulshada.

2️⃣ Joojinta Lambarrada Gaarka ah (Private Numbers): Shirkadaha isgaarsiinta ee Puntland ayaa lagu faray in Ay joojiyaan bixinta lambarrada gaarka ah ee loo yaqaan “Private Numbers”.ayna xiraan dhammaan lambarradii hore loogu bixiyay adeeggan, si looga hortago adeegsiga sharci-darro ah.