U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay habsami u socadka sahminta shidaalka

Madaxa Guddiga saaxiibtinimada  Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar iyo wafdi u hoggaaminaayo oo ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Tamarta ee dowlada Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Guddiga ayaa wasiirka ka dhagaystay habsami u socodka mashruuca shidaal soo saarida ee dhawaan ka bilowday wadanka.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha JFS u fadhiya Wadanka Türkiye Mudane Fatxudiin Cali iyo madaxa guddiga Saaxibtinamada Baarlamaanka Turkiga Mudane Abdirahim Firat.