U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigey nin ku labisnaa dharka dumarka

Ciidanka booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-jajab ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo 18jir ah,kaas oo dharka dumarka xirnaa xilligii laamaha nabad-gelyadu ay soo bandhigeen.

Eedeysanahan ayaa loo heystaa in uu ku kacay falal anshax-xumo ah, kuwaas oo lidi ku ah dhaqanka iyo diinta suuban ee Islaamka, waxaana la filayaa in maxkamad galdacwadeedkiisa awood u leh la horgeyn doono.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka gobalka Banaadir uu dhowaan soo saaray amarro dhaqan xumada caasimadda ka jirta wax looga qabanayo.