U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Daah-furay Shir Ku Saabsan Wax Ka Bedelka Cutubyada Muhiimka ah ee Dastuurka Kumeelgaarka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka la-tashiga Bahda Garsoorka ee ku saabsan dib u eegista iyo wax ka badalka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah.

Shirka ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh oo diiradda lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa dastuurka, loona waafajin lahaa baahiyaha iyo duruufaha bulshada Soomaaliyeed ee hadda jira.

Shirkan waxaa lagu marti qaaday bahda garsoorka oo ay ku jiraan, Garsoorayaasha heerar kala duwan, Sharciyaqaanno iyo khubaro ka tirsan hay’adaha sharciga iyo Wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la xaqiijiyo in wax ka bedelka dastuurka uu ka tarjumayo mabda’a caddaaladda, iyo sinnaanta, si loo dhiso nidaam sharci oo awood u leh inuu ka jawaabo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Wax ka bedelka iyo dib-u-habeynta ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo howlaha garsoorka, isla markaana lagu xoojiyo kalsoonida shacabka ee nidaamka caddaaladda.

Shirkan waxa uu fursad siinayaa bahda garsoorka iyo daneeyayaasha kale inay si furan u falanqeeyaan, una soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo dastuurka, taas oo horseedaysa nidaam sharci oo ka jawaabaya caqabadaha jira.

Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha inay si daacad ah u darsaan qodobada dastuurka, talooyinkoodana ugu biiriyaan si wax ku ool ah, iyagoo tixgelinaya xaqiijinta xuquuqda dadka iyo habsami u socodka nidaamka garsoorka dalka.