Goobjoog

Maxkamadda Sare oo ka jawaabtay dacwad la xiriirta wax-ka-beddelka dastuurka

Muqdisho — Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ugu yeertay inuu ka soo jawaabo dacwad dastuur oo la xiriirta wax-ka-beddelka dastuurka KMG ah ee…

Maxkamadda Sare oo ka jawaabtay dacwad la xiriirta wax-ka-beddelka dastuurka

Muqdisho — Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ugu yeertay inuu ka soo jawaabo dacwad dastuur oo la xiriirta wax-ka-beddelka dastuurka KMG ah ee dalka.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda Sare oo ku taariikheysan 14-ka Oktoobar 2026 ayaa lagu sheegay in dacwaddan ay maxkamaddu u gudbisay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, kaddib markii ay heshay codsi la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Xafiiska Garyaqaanka Guud laga sugayo jawaab qoraal ah oo ku saabsan dacwadda, si ay maxkamaddu u sii waddo dhageysiga kiiska.

Sidoo kale, Maxkamadda Sare waxay shaacisay in loo asteeyay Khamiista, 22-ka Oktoobar 2026, saacadda 2:00 duhurnimo, xilliga la dhageysanayo dacwadda.

Dhanka kale, dukumenti kale oo loo gudbiyay Maxkamadda Sare ayaa waxaa ku saxiixan Sharif Shiikh Axmed, oo ah Soomaali deggen Muqdisho, kaas oo dacwad ka gudbiyay wax-ka-beddelka dastuurka KMG ah.

Dacwad-ooguhu wuxuu ku doodayaa in wax-ka-beddellada dastuurka ay saameyn ku yeelan karaan nidaamka dastuuriga ah ee dalka, gaar ahaan habraacyada wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dukumentiga dacwadda ayaa sidoo kale xusay walaac la xiriira hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka, isaga oo tilmaamay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo habraacyada dastuuriga ah iyo waafaqsanaanta go’aannada la gaarayo sharciga dalka.

Maxkamadda Sare ayaa la filayaa inay dhageysato dacwadda 22-ka Oktoobar, iyadoo jawaabta Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ay qayb ka noqon doonto habraaca kiiska.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments