𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟏𝟐 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫, 𝟐𝟎𝟐𝟔:- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir, halkaas oo uu u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada iyo xaaladaha shaqo ee labada maxkamadood.
Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Mudane Saciid Cali Maxamed, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Cali Maxamuud.
Intii uu kormeerku socday, Guddoomiyuhu wuxuu mid mid u booqday xafiisyada kala duwan, isagoo warbixinno ka dhegaystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta, kana xog-wareystay shaqada maalinlaha ah iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.
Kormeerka kaddib, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir kulan is-xogwaraysi ah kula yeeshay garsoorayaasha labada maxkamadood, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee garsoorka, caqabadaha jira iyo sidii loo sii horumarin lahaa hufnaanta, tayada iyo dardargelinta adeegga garsoorka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa carabka ku adkeeyey doorka ay leedahay in adeegyada garsoorka loo dhoweyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada fog-fog ee ay ku adag tahay inay u safraan xarumaha Maxkamadaha. Waxa uu intaa raaciyey in arrintani ay qayb muhiim ah ka tahay dadaallada lagu horumarinayo garsoorka, laguna xaqiijinayo helitaanka caddaalad loo siman yahay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay kor u qaadista hufnaanta iyo tayada shaqada garsoorka, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha garsoorka iyo abuurista jawi shaqo oo suurtageliya in muwaadiniintu helaan caddaalad hufan oo waqtigeeda ku timaadda.
From the comments