Goobjoog

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka oo sharci-darro ku tilmaamay qoraalka Maxkamadda Sare ee ka dhashay dacwadda wax-ka-beddelka dastuurka

Muqdisho – 6 Nofeembar 2026: Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga qoraalka iyo go’aanka ay soo saareen garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka,…

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka oo sharci-darro ku tilmaamay qoraalka Maxkamadda Sare ee ka dhashay dacwadda wax-ka-beddelka dastuurka

Muqdisho – 6 Nofeembar 2026: Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga qoraalka iyo go’aanka ay soo saareen garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka, kaas oo la xiriira dacwadda laga gudbiyay habraaca wax-ka-beddelka dastuurka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa lagu sheegay in xafiisku Maxkamadda Sare u gudbiyay is-hortaagyo sharci ah, kuwaas oo la xiriiray awoodda maxkamadda ee ka garnaqidda dacwadda iyo sifada sharci ee dacwoodaha.

Xafiisku wuxuu sheegay in Maxkamaddu aysan marka hore ka jawaabin is-hortaagyadii sharciga ahaa ee loo gudbiyay, balse ay soo saartay qoraal uu ku tilmaamay go’aan aan saldhig sharci lahayn.

Garyaqaanka Guud ayaa sidoo kale ku dooday in haddii Maxkamaddu diidday is-hortaagyadaas, ay ahayd inay muddaysato dhegeysiga dacwadda, islamarkaana ay labada dhinac fursad u siiso inay doodahooda hor keenaan maxkamadda, iyadoo la raacayo qodobbada 69 iyo 88 ee Xeerka Habka Madaniga.

Waxaa kale oo uu xafiisku sheegay in qaab-dhismeedka garsoorka ee dacwadda aan loo marin hannaankii sharcigu dhigayay, isaga oo xusay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ay ahayd inuu guddoomiyo garsoorayaasha ka garnaqaya dacwadda.

Dhanka kale, Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Sare inay abuurtay dacwad cusub oo aan markii hore loo gudbin, taas oo uu sheegay inay ka hor imanayso qodobbada 77 ee Xeerka Habka Madaniga iyo qodobka 24-aad ee Sharciga Lr. 23 ee 2016.

Ugu dambeyn, Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxuu caddeeyay in qoraalka Maxkamadda Sare uusan lahayn wax saameyn sharci ah, sida uu qabo xafiisku, isagoo sheegay inuu qaadi doono tallaabooyinka sharci ee ku habboon.

War-saxaafadeedkan ayaa muujinaya khilaafka sharci ee u dhexeeya Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Maxkamadda Sare, kaas oo salka ku haya habraaca dacwadda la xiriirta wax-ka-beddelka dastuurka dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments