U bood dhigaalka

Ku dhowaad 100 qof oo 24-kii saac ee ugu dambeeyay ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee marinka Qasa

Ku dhawaad ​​100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymaha arxan-darrada ah ee Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa, sida laga soo xigtay xaafiiska warbaahinta gudaha.

Dadkan ayaa  intooda badan ku dhintay weerar oo Israa’iil ay ku qaaday laba guri oo ku yaalla deegaanka beytu laaxiya, halkaas oo la sheegay in lagu diley in 75 qof oo goobtaasi gabaad u ahayd.

Duqeymaha aan kala joogsi lahayn iyo duullaanka tooska ah ee Israa’iil ayaa weli ka socda marinka Qasa, xilli aanay maamulka tel aviv wax natiijo ah ka gaarin gumaadka ay sanadkii labaad ku hayaan dadka falastiiniyiinta ah.