Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan.
Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka.
Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.”




From the comments