U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedeysay faragelinta iyo iska horkeenida beelaha Gobolka Gedo

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabooyinka faragelinta ah ee Ethiopia ka waddo Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin isku-dayo lagu kala fogeynayo bulshada ku nool gobolkaas, taasoo wiiqeysa midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

Saaka, ciidamo Ethiopian ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Doolow ayaa isku dayey inay galaan degmada Buulo Xaawo, balse waxaa si cad uga hor istaagay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa sii adkeysay xiisadda ka taagan gobolka oo ay Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay qayb ka tahay faragelin joogto ah oo maamulka Addis Ababa uu ku hayo Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inay ka go’an tahay ilaalinta deris wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in Ethiopia ay si joogto ah uga shaqeyneyso xasillooni-darro cusub oo gobolka ka dhalata, taasoo khatar ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo nabadda guud ee gobolka.

Soomaaliya waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, inay si degdeg ah u cambaareeyaan falalkaan wax u dhimaya nabadda iyo wadajirka gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysatay inay diyaar u tahay difaaca qaranimadeeda iyo madax-bannaanida dadkeeda si kasta oo ay xaaladdu noqoto.