U bood dhigaalka

Ciidamada nabad-gelyada Berbera oo gacan ku dhigey nin la sheegay inuu dhaawac u geystay maareeyihii warshadda korontada magaaladaas

Ciidamada Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwa ka howl-gala magaalada Berbera ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Iid Yuusuf Cabdullaahi, kaaa oo loo haysto dhaawac la sheegay inuu u gaystay maareeyaha warshadda adeegga korantada magaaladaas Cabdi Maxamuud Faarax.

Ciidanka booliska oo howl-gal degdeg ah sameeyay ayaa soo qabtay eedaysanahan , waxaana si dhaqso ah loo horgayn doono laamaha garsoorka sida laga soo xigtay hay’adaha ammaanka Soomaaliland.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa dhankiisa bogaadinayay ciidamadii hawlgalka sameeyay iyo shacabkii ka gacansiiyay qabashada eedaysanaha, oo la sheegay inuu goobta falku ka dhacay ka baxsaday.