Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii dhex maray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in weerar lagu soo qaaday ciidanka qaranka oo isku diyaariyay in la wareegaan goobo ay ka bexeen howlgalka ATMIS.
War saxaafadeedka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “Subaxnimadii hore ee saaka ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta jubaland ay Ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose.
Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay Kala wareegaan Saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidanka Atmis sidoo kalana isu diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta.




From the comments