Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Raaskambooni ay amar ku siiyeen in ay ka baxaan Magaaladaas islamarkaasne aysan dagaal gelin.
Axned Madoobe ayay ku eedeysay Dowladda in uu bannaystay in weerar uu ku qaado Ciidanka taasina ay keentay in dib u ruqaansi ay sameeyaan Ciidamada la geeyay Raaskambooni.
“Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.




From the comments