Puntland oo sheegtay in ay sare u kaceen rabshadaha ka dhanka ah qoyska deegaanadeeda
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee Puntland (DXAP) ayaa sheegay in ay sare u kaceen rabshadaha qoyska, kuwaas oo si xun u saameeyey qoysaska, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Wuxuu tilmaamay in rabshadahan ay qayb ka yihiin caqabado la xiriira dhaqaale-xumo iyo shaqo laβaan, taas oo dhalinyarada si gaar ah u saameysay.
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo wacyigelinta iyo ka-hortagga rabshadaha qoyska, iyadoo la siinayo mudnaan gaar ah dadka nugul iyo ilaalinta xuquuqdooda.
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee Dawladda Puntland (DXAP) ayaa baaq ku aaddan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha u diray shacabka iyo maamulka Puntland. Xuskan, oo sanadkan looga dabbaal-degayo 76 sano guuradii kasoo wareegtay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, wuxuu diiradda saaray ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta caddaaladda.
Guddoomiyaha Xafiiska DXAP ayaa ku booriyey dowladda iyo bulshada Puntland inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta fulinta sharciyada iyo xeerarka lagu difaacayo xuquuqda aadanaha, iyagoo ka hortagaya xadgudubyada ka dhanka ah dadka nugul.