Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si adag uga hadlay weerarka uu maanta Axmed Madoobe ku soo qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay caddeyn buuxda u tahay aragtida argagixisada ku saleysan dagaal-oogidda ee Axmed Madoobe, taas oo u muuqata mid lagu raadinaayo ujeeddooyin siyaasadeed oo sharciga ka soo horjeeda.
Wasiir Jibriil ayaa ku nuuxnuuxsaday in Axmed Madoobe uusan marnaba ku guuleysan doonin inuu si awood qori ah ugu taliyo Jubaland. Wuxuu xusay in Soomaaliya haatan ku socoto dariiq dimoqraadi ah, oo shacabka Soomaaliyeed ay taladooda ku dhisanayaan codkooda xor ah, isla markaana la soo dhaafay waayihii dagaal-oogayaasha iyo kuwa shisheeye kalkaalka ah ay awoodda ku haysan jireen.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan difaaca nidaamka dastuuriga ah iyo inay shacabka reer Jubaland gaarsiiyaan fursadda ay ku dooran karaan hoggaamiyeyaal ka shaqeeya danaha dadka iyo deegaanka. Wasiirku wuxuu muujiyey taageerada buuxda ee ay dowladda dhexe u hayso ciidanka iyo hawlahooda muhiimka ah ee lagu difaacayo midnimada iyo dowladnimada dalka.




From the comments