Golaha Wasiirada oo kulan ka yeeshay qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.
Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda, iyada oo goluhu suโaallo ka weydiiyey, isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.
Golaha ayaa amray in xoogga la saaro ololaha dib u eegista dastuurka dalka.