Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa ka walaac ka muujisay colaadda ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee ku wada nool magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Colaaddan oo socotay labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa sababtay khasaarooyin ba’an oo ay ku jiraan dhimasho, dhaawacyo, iyo barakac dad badan oo deegaanka ah.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.




From the comments