U bood dhigaalka

Suuqyada Muqdisho ugu muhiimsan oo maanta xiran

Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Diseembar, waxaa gebi ahaanba xirmay suuqyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, oo ay ku jiraan Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.

xirnaanshaha ayaa ah mid ay ganacsatada kaga cabanayaan cashuuro iyo khidmooyin cusub oo lagu soo rogay ganacsigooda iyo shaqaalahooda.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in cashuuraha iyo khidmooyinka ganacsatada lagu soo rogay ay si gaar ah u culays ku yihiin ganacsatada gobolka Banaadir. Cashuuraha ay cabashada ka muujiyeen ayaa kala ah:

  1. Diiwaan-gelinta shaqaalaha (Lacag cusub oo cashuur ah).
  2. Diiwaan-gelinta ganacsiga (Merchant registration).
  3. Xisaab-diiwaan gelin (Account registration).
  4. Kormeerka tayada badeecada (Quality control ).
  5. TIN-ku qorista badeecada kasta oo la gato (Khidmo TIN ku saabsan).

Ganacsatada waxay sheegeen in gobolka Banaadir si gaar ah loogu kordhiyay cashuuro aan caadi ahayn oo aan laga qaadin gobollada kale ee dalka.

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin go’aanka dowladda oo Suuqa uu xirnaan doono ilaa Xal loo lo cabashadooda.