Dagaal u dhexeeya ciidanka Liyuu booliska iyo maleeshiyo hubaysan oo maalintii labaad ka socay gobolka Faafan
Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Liyuu booliska dowlad deegaanka Soomaalida iyo Dablay hubaysan oo kasoo jeeda Somaliland ayaa maalintii labaad ka socda tuulada Dacawalay ee gobolka Faafan.
Dagaalka oo shalay billowday ayay wararku sheegayaan inuu saaka mar kale dib uga qarxay, mana cadda waxa ay salka ku hayso dirirtan Tuulada Dacawaley ee dagmada Xarshin ee gobolka faafan ku dhex maraysa ciidanka Liyuu Booliska iyo kooxda hubaysan.
Xogaha qaar ayaa tilmaamaya in dableydu ay weerareen xeryo ay ciidanka Liyuu boolisku lahaayeen, taasoo sababtay inuu u bilaabmo dagaal culus oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Si kastaba ha ahaatee xog faahfaahsan lagama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, balse ilo ku dhow masuuliyiinta gobolka ee deegaanka Soomaaliya ayaa sheegay in waxyeello ay baaxad lihi ay ka dhalatay iska hor-imaadka labada dhinac.